Madaxweyne Xassan Sheekh oo Furay Kalfadhiga Todobaad ee Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kalfadhiga todobaad [7-aad] ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwasoo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho, caasiamada Soomaaliya maanta oo ay taariikhdu ahayd, 29ka September 2025. Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta dalka, kobcinta…

Read More

Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Baarlamaanka Hortagaya Maanta

Muqdisho-waxaa maanta si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo horyaalla ajandayaal culus oo la xiriira xaaladda siyaasadeed, ammaanka iyo shuruucda dhismaha dowladnimada. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furaya kalfadhigan isaga oo ka jeedin doona khudbadda dastuuriga ah. Khudbaddaas ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo Safiirka UK la Kulmay

Muqdisho: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Charles King, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada dal. Danjiraha oo ugu horeyn Guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhoweyntiisa ayaa xusay in mudadii uu xilka hayay uu xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa…

Read More

Caruur Lagu Afduubtay Galguduud

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud maleeshiyaad beeleed hubeysan ayaa deegaanka Laan-dawaco, oo u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Dhabad, ka af-duubteen saddex ruux oo qoys ah. Dadkan la af-duubtay ayaa kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo cunug yar oo ay sidatay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii falka geystay ay…

Read More

Puntland Guul Ka Sheegatay Dagaalka Daacish

Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gaareen guulo la taaban karo oo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish, kadib howlgallo ballaaran oo ka dhacay buuraha gobolka Bari, gaar ahaan degaanka Cal Miskaad. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee ay fulinayaan saaxiibada Puntland ay…

Read More

Abaabul dagaal oo ka socdo Owdhiigle

Muqdisho-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ay socdaan abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan…

Read More

Wafdi Ka socda Jaamacadda Carabta Oo Muqdisho Yimid

wafdi sare oo ka socda ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo gaaray magaalada muqdisho, waxaana kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, kaasoo ku qaabilay xafiiskiisa, wafdigan ayaana dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta,…

Read More