
AFRICOM oo Duqeyn Cirka ah ku Qaadday Kooxo Daacish ah Deegaanka Koonfur-Bari ee Boosaaso
Boosaaso – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ku beegsaday xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish, meel ku dhow 70 kiiloomitir Koonfur-Bari uga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeyntan ayaa qeyb ka ahayd howlgal wadajir ah…