Category: Blog
Your blog category
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Indonesia
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamad Hery Saripudin. Kulanka Taliyaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii loo ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinaca amaanka ee labada dal gaar ahaan horumarinta Boliiska oo qeyb ka ahaa wadahadaladii u dambeeyey ee lagu xoojinayey xiriirka Soomaaliya…
Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dooni siday Agab Ciidan
Ciidanka ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonni siday tuute iyo agab ciidan, iyada oo lala qabtay dadkii watay doonta, kuwaas oo la sheegay in ay Soomaali yihiin. Howlgalkan ayaa ka dhacay biyaha deegaan xeebeedka Qaw ee gobolka Bari, sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu daabacay barta hawlgalka la dagaalanka argagixisada Puntland. Taliska ciidamada…
Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay xeerka shaqaalaha dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah,…
Sheekh Caan ah oo baaq culus u diray Mucaaradka dowladda Soomaaliya
Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Shabelle ayaa Xubnaha Mucaaradka ah ugu baaqay in ay Ururadooda ka diiwaangeliyaan Guddiga Doorashooyinka maadama sida uu tilmaamay uu dalka u jiheystay doorasho qof iyo Cod ah in dadka laga qeyb geliyo Masiirkooda. Sheekh Cali Wajiis oo la hadlayey Mucaaradka ayaa…
Ciidanka Jubbaland oo howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabab
Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwo la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsanaa toogashada ama madax jabiska. Howlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda New Kismaayo ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, halka mid kalena…
Somaliland oo Go’aamo la Xiriira Amaanka Kasoo Saartay Xaaladda Magaalada Ceerigaabo
Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag. Wafdi ka kooban xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta, oo loo xilsaaray xasilinta Ceerigaabo, ayaa go’aamiyey in ammaanka magaalada ay sugayaan oo kaliya ciidamada booliska, dhammaan ciidamada madaniga ahna laga saaro magaalada. “Wafdigii arrintan u xil saarnaa waxa uu go’aamiyey…
Senator Cabdi Qeybiid ” Hantidii shacabku shakhsi jeebkiis ayay ku dhacday”
Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in dalka uu soo wajaho khatar aan horay loo arag oo ka dhalatay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib wareysi uu siiyay Tvga maxaliga ah SMS Soomaali Tv. Cabdi Qeybdiid oo su’aalo dhinac badan taabanaya…
Al-shabaab oo odayaal dhaqameedyo ka afduubtay Mandheera
Wararka ka imaanaya Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa xaqiijinaya in Shan ka mid ah Ugaasyada deegaanka la la’yahay ka dib markii sida la sheegay ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ka afduubteen degmada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee waqooyi bari Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Caaqiladaasi ay…