Category: Blog
Your blog category
Madaxweynaha Uganda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya
Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Uganda ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni. Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Uganda, halkaas oo Madaxweyne Museveni uu si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha cusub. Intii ay socotay kulanka labada…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WTO
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala. Kulankan ayaa daba socday wadahadalladii bilowga ahaa ee shalay dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay…
MUQDISHO: Qiimaha Gaaska cuntada oo sare u kac weyn sameeyey
Qiimaha Gaaska cuntada ee magaalada Muqdisho ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay mar kaliya, arrintaasoo walaac ku abuurtay qoysas badan xili ay soo dhowdahay bisha Ramadaan. Kororka degdegga ah ee qiimaha haanta gaaska ayaa noqday arrin dareen gelisay dad badan. Bishan horaanteedii, qiimaha haanta gaaska wuxuu ahaa $16, balse maalin ka hor waxaa…
Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyey Degmo cusub
Kulanka Golaha Wasiirrada oo ka dhacay magaalada Jowhar, caasimada HirShabelle waxaa caawa shir-guddoomiyay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) waxaana diirrada lagu saaray dagaalka Al-Shabaab lagaga ciribtirayo guud ahaan Hirshabeelle. Wasaaradda Amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda amni ee guud ahaan Hirshabeelle, waxana ay tilmaamtay in saacadihii ugu dambeeyay guulo waa…
Puntland oo amar culus ku soo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta
Puntland ayaa ku amartay shirkadaha Isgaadhsiinta inay xiraan dhammaan lambarada ku diiwaan gashan magacyada ajaaniita ka tuugsata magaalooyinka waaweeyn ee Dowlad Goboleedka Puntland. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin kooxda Daacish oo dagaal adag kula jirta ciidamada Puntland. Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii ay ciidamada booliska Puntland…
Maamulka Koonfur Galbeed oo heshiis la saxiixday Shirkad laga leeyahay Kuwait oo dhiseysa Dekadda Baraawe
Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixday shirkadda Kuwaiti ah oo lagu magacaabo “Arabic Digital Holding” si ay u horumariso, ugana shaqeyso dekedda magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u dheer tahay soo saarista agabka dabiiciga ah muddo 25 sano ah. Munaasabadan saxiixa heshiiska, guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulaha shirkadda Arabeek Digital…
Somalia oo ka qeybgashay Shirka Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada. Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano…
Wada hadalo farsamo oo Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga
Mas’uuliyiin ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Turkiga ku leh wadahadallo farsamo si loo dhaqan geliyo heshiiskii Ankara, loogana wada hadlo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya. Wadahadalladan ayaa daba socda kulan dhawaan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la doonayay in sare loogu xiriirka…