DUQEYN CULUS OO KA DHACDAY DEGMADA AADAN YABAAL

Aadan Yabaal, Soomaaliya – Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa xalay fiidkii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga hortago khatarta kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo lagu beegsaday goob ay kooxdaasi isku uruursanayeen, una adeegsanayeen gabbaad iyo qorsheyn weerarro, ayaa lagu dilay…

Read More

Darawiishta Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Dowlada oo dilay 35 Dagaalyahan oo al-Shabaab ah

Baydhabo, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dileen in ka badan 35 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baay Burjeed, oo qiyaastii 15km waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Howlgalka ayaa la fuliyay kadib markii la helay…

Read More

US and Somali army destroy boat carrying weapons to al-Shabab in southern Somali coastal area

Confirmed reports said that in a joint operation, the United States Africa Command (AFRICOM) collaborated with the Somali National Army of [SNA] conducted constructed and preplanned airstrike against vessels laden with advanced military equipment destined for al-Shabaab.  The operation took place in southern Somali coastal area, targeting an unflagged vessel and a smaller support craft….

Read More

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Xarunta Casriga ah ee Wasaaradda Beeraha

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah oo loogu talagalay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya. Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday goobta dhismaha xarunta cusub, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in Wasaaradda Beeruhu ay hormuud…

Read More

 MARAYKANKA OO DHIMAYA AWOODDA SAFAARADDIISA MUQDISHO ISLA MARKAANA XIDHAYA SAFAARADO KALE OO BADAN – CNN

Washington – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay xidhayso ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay dalalka caalamka, sida lagu sheegay dukumeentiyo sir ah oo ay heshay telefishinka CNN, kuwaas oo laga diyaariyay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Xogta CNN ay heshay ayaa sidoo kale muujinaysa in dowladda Mareykanku ay si weyn…

Read More

MAREYKANKA OO DIIDAY INUU TAAGEERO MAALGELINTA QARAMADA MIDOOBAY EE CIIDAMADA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

New York – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay taageerto qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo hadda ka howlgala gudaha Soomaaliya. Go’aanka Mareykanka ayaa dhaliyay walaac weyn oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka caalamiga ah ee la dagaallama ururka Al-Shabaab. Diidmada Mareykanka ayaa imaaneysa xilli…

Read More

CIIDAMADA DOWLADDA IYO KUWA DEEGAANKA OO ISAGA BAXAY DEEGAANKA ABOOREY EE GOBOLKA HIIRAAN

Beledweyne – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in maanta ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka si ku-meel-gaar ah uga baxeen deegaanka Abooreey, halkaas oo ay maalmahan dagaallo culus kula jireen kooxda Al-Shabaab. Deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo Burde, ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay martigeliyay dagaallo xooggan oo…

Read More

 Somaliland oo gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii mudada u socday dowladda Soomaaliya

Hargeysa – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay jartay wadahadalladii muddo ka badan toban sano u socday ee ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay xadgudub ku tilmaantay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu toddobaadkan ku tagay magaalada Laascaanood. Go’aankan ayaa kasoo baxay fadhigii Golaha Wasiirrada…

Read More