Duqeyn Cirka ah oo Lagu Dilay 18 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Ka Dhacday Gobolka Hiiraan

Hiiraan – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal duqeyn cirka ah oo si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah, kaas oo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku safraayeen deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan. Howlgalka oo dhacay saacadahii lasoo dhaafay ayaa si gaar…

Read More

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan Miro-dhal ah la Qaatay Wafdi Sare oo ka Socday Midowga Yurub

Muqdisho – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo uu horkacayay Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Madaxa Qorsheynta Istaraatiijiyadeed ee Maaraynta Qataraha. Kulankan ayaa…

Read More

Wasiiru Dowlaha Caafimaadka oo Ka Qeyb Gashay Shir Caalami ah oo Looga Hadlayay Daawooyinka Xanuunnada Aan Faafin

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Drs. Maryama Maxamed Xuseen, ayaa ka qeyb gashay shir heer caalami ah oo lagu gorfeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka daawooyin tayo leh oo waxtar u leh la tacaalidda xanuunnada aan faafin (Non-Communicable Diseases – NCDs). Shirkan, oo lagu qabtay gudaha dalka aan la…

Read More

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Ankara, Turkiga – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Ankara, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdogan, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalkaasi. Wasiirka ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay taageerada ballaaran ee dowladda Turkiga ay…

Read More

Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay Mas’uuliyiin ka Socday Hay’adda Istaatistikada Qaranka

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Istaatistikada Qaranka, kuwaas oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’addaasi, Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen ku-xigeenada labada hay’adood, qaar kamid ah agaasime waaxeedyada iyo lataliyaal…

Read More

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Kulan Miro-dhal Ah la Qaatay Dhiggiisa Aljeeriya

Algiers, Aljeeriya – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed, ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Aljeeriya, Mudane Feyçal Ben Taleb, intii lagu guda jiray Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality) oo ka socota magaalada…

Read More

Netanyahu oo Ugu Dambayn Ogolaaday Heshiiska Xabbad-joojinta Kaddib Cadaadis Caalami ah

Tel Aviv, Israa’iil – Wararka laga helayo dhinaca Israa’iil ayaa xaqiijinaya in Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Benjamin Netanyahu, uu ugu dambeyn aqbalay talo ka timid Madaxweynaha Mareykanka, taasoo ahayd in la qaato heshiiska xabbad-joojinta, kaddib isku day uu sameeyay saacadihii ugu dambeeyay ee maanta si uu uga aargoosto duqeyntii ay subaxnimadii hore Iiraan ku beegsatay bartilmaameedyo…

Read More

Qaxootiga Dhadhaab oo Wajahaya Xaalad Nololeed oo adag ka dib Gargaarka oo yaraanaya iyo Adeegyo Aasaasi ah oo istaagay

Dhadhaab, Kenya – Tan iyo markii la aasaasay xeryaha qaxootiga Dhadhaab sanadkii 1991, waxay hoy u noqdeen in ka badan nus milyan qaxooti ah oo kasoo cararay colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Geeska Afrika. Xeryahaas oo kala ah Dagahaley, Ifo, Ifo 2 iyo Hagadera, ayaa muddo dheer la tacaalayey duruuf nololeed adag. Si kastaba, saddexdii…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Daahfuray Shirweynaha Qaran ee La Dagaalanka Maydhista Lacagaha Sharci Darrada ah

Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray magaalada Hargeysa Shirweynaha Qaran ee la dagaalanka maydhaanka lacagaha sharci darrada ah. Munaasabaddan oo muhiim u ah xoojinta daahfurnaanta nidaamka maaliyadeed iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, ayaa waxa madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dhaxalgal…

Read More