Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada ku Qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Mudane Claver Gatete booqashadiisa iyo…