Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka dad dhigista iyo tirakoobka madaniga ah
Muqdisho – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan shaqo ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyadoo uu shir guddoominayay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Kulanka oo ahaa fadhi rasmi ah oo ka tirsan kalfadhiga lixaad, kulankiisii 10-aad, ayaa ku furmay hadal kooban oo uu jeediyay…