Duqa Muqdisho Oo Ka Warbixiyay Saameynta Roobabka Iyo Tallaabooyinka La Qaadayo
Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta si rasmi ah warbaahinta ugu faahfaahiyay xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo sababay daadad xooggan iyo burbur hantiyadeed. Guddoomiye Amiir ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday…