Wasiirka arrimaha gudaha oo daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u daah-furay xeerka aqoonsiga qaxootiga iyo magan-gelyo doonka, ka dib munaasbad ka dhacday xarunta hay’adda qaxootiga iyo barkacayaasha Qaranka Soomaaliyeed. Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in xeerka qaxootiga iyo magan-gelyo doonka uu xaq u siinayo in ay dalkeenna ku…