WFP oo sheegtay inay dhimayso kaalmooyinka cuntada la siiyo Soomaaliya

NAIROBI– barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa sheegay in ay si weyn u dhimayso kaalmooyinkii cunnada ee ay siin jirtay boqollaal kun oo qof oo Soomaaliyeed, xilli malaayiin qof oo dalka ku nool ay wajahayaan saameynta daran ee isbeddelka cimilada iyo gaajo ba’an.

WFP waxa ay sheegtay in tirada dadka heli doona kaalmo degdeg ah oo cunto ah ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan oo qof bishii Agoosto, una sii dhici doonto 350,000 oo qof bisha November, taasoo ay sabab uga dhigtay “hoos u dhac halis ah oo ku yimid maalgelintii barnaamijyada gargaarka.”

“Waxaan arkeynaa sare u kac khatar ah oo ku yimid heerarka degdegga ah ee gaajada, iyadoo awooddeenna wax-ka-qabashaduna ay sii yaraanayso maalinba maalinta ka dambeysa,” ayuu yiri Ross Smith, agaasimaha waaxda u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ee WFP. “Haddii aan la helin maalgelin degdeg ah, qoysas horeyba u tabaaleysan ayaa gabi ahaanba ka haraya caawinaad, xilli ay ugu baahi badan yihiin.”

Warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ayaa muujineysa in 4.6 milyan oo qof oo ku sugan Soomaaliya ay la tacaalayaan heerar daran oo gaajo ah, halka 1.8 milyan oo carruur ah la saadaalinayo inay la kulmaan nafaqo-darro ba’an sanadkan. Waxaa ka mid ah 421,000 oo carruur ah oo la ildaran nafaqo-darro daran, balse WFP waxay awooday in ay kaalmo siiso kaliya 180,000.

Soomaaliya waxa ay la daalaa-dhacaysaa saameynta burburinta ah ee isbeddelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaro iyo fatahaado, sidoo kalena waxay la tacaaleysaa colaado iyo amni xumo muddo dheer dalka ka jirtay. Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah dalka.

Hoos u dhaca ka yimid deeqaha ay Mareykanku siin jireen gargaarka bani’aadamnimo ayaa sii adkeeyay jawaabta hay’adaha samafalka, kuwaas oo horeba ula daalaa-dhacayay baahida sii kordheysa ee dadka nugul.

WFP waxay sheegtay in ay u baahan tahay $98 milyan si ay u sii waddo howlo badbaadin ah oo ugu yaraan lagu caawin karo 800,000 oo qof ilaa bisha Maarso 2026 — xilliga loo yaqaanno “xilliga baahida ugu badan” (lean season).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *