Wasaaradda cadaaladda oo bogaadisay maxaabiista ay isdhaafsadeen Puntland iyo Somaliland

Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhawaysay isdhaafsiga maxaabiista ee dhawaan dhexmaray maamulada Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland. Tallaabadan ayaa timid ka dib dadaallo iyo dhexdhexaadin uu hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, taasoo salka ku haysay socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku tegay magaalada Laascaanood.

Wasaaraddu waxay bogaadisay hoggaamiyeyaasha maamuladaasi oo muujiyay niyad wanaag iyo go’aan geesinimo leh oo ku aaddan dhisidda nabadda iyo xasiloonida dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah nabad ku wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed, xoojinta daris wanaagga, isku socodka bulshada, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhiirrigelisay dhammaan maamulada Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland in ay sii wadaan dadaalladan isfahamka ah, si loo xaqiijiyo in muwaadiniinta ku xiran sababo colaadeed ay dib u helaan xorriyadooda. Sidoo kale, dowladda ayaa ku baaqday in la dardargeliyo wadahadallada bulshada iyo geeddi-socodka nabadaynta.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay diyaar u ahaanshaheeda in ay qaadato door hoggaamineed oo buuxa, islamarkaana ay bixiso taageerada lagama maarmaanka u ah xaqiijinta nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *