Islamabad – Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah oo soconaysa muddo shan maalmood ah ku jooga dalka Pakistan. Wafdigan oo ka kooban 17 xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Yussuf Wadani.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Barnaamijka Taageerada Bulshada ee BISP (Benazir Income Support Programme), halkaas oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha barnaamijkaasi, Senator Rubina Khalid, iyo Dr. Tahir Noor. Booqashadan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, ayaa ujeedkeedu yahay is-weydaarsi aqooneed iyo kor u qaadidda waayo-aragnimada dhanka barnaamijyada taageerada bulshada.
Ujeeddooyinka Booqashada:
Booqashadu waxay xoogga saaraysaa dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:
- Nidaamka Isdiiwaangelinta Mideysan (USR): Hab casri ah oo lagu mideynayo xogta qoysaska u baahan taageerada bulshada, si kor loogu qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka barnaamijyada.
- Hal-abuurnimada Tiknoolajiyadda: Tignoolajiyad cusub oo lagu horumarinayo nidaamyada taageerada bulshada, iyadoo la adeegsanayo xalal dijital ah oo fududeynaya bixinta adeegyada.
- Barnaamijka Benazir Hunarmand: Tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo xirfadaha shaqo ee dadka ka faa’iideysta BISP, si ay u gaaraan isku-filnaansho dhaqaale iyo xirfadeed.
Agaasime Yussuf Wadani ayaa u mahadceliyay dowladda Pakistan iyo madaxda BISP sida ay u soo dhoweeyeen wafdiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in booqashadani ay fursad weyn u tahay Soomaaliya si ay ugu dayato habraacyada wax-ku-oolka ah ee BISP. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay rajeynayaan in waayo-aragnimada laga helo booqashadani lagu dabaqo qorshayaasha horumarinta barnaamijyada taageerada bulshada ee dalka.
Intii uu socday kulanka, wafdiga ayaa si qoto dheer loo baray nidaamyada shaqo ee BISP, waxayna muujiyeen xiise iyo diyaar garow ah in farsamooyinkaasi laga faa’iideysto, lana waafajiyo xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya.
Gabagabadii, Agaasimaha Guud wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay wasaaraddu uga go’an tahay in la horumariyo adeegyada bulshada si ay u noqdaan kuwo waara, waxtar leh, laguna saleeyay waayo-aragnimo, hal-abuur, iyo xariirro iskaashi oo caalami ah.
