Muqdisho – Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan si weyn u xoojisay taageerada ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kadib wada-hadallo khadka telefoonka ah oo dhex maray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo dhiggiisa Soomaaliya.
Sida ay ilo-wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen warbaahinta Middle East Eye, Ankara ayaa Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nooca T129 ATAK, si kor loogu qaado awoodda weerar ee ciidanka Soomaaliya ee la dagaallama Al-Shabaab.
Sidoo kale, Turkiga ayaa ciidamada badda Soomaaliya ku wareejiyay labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca, arrintaasoo qeyb ka ah heshiis iskaashi difaac oo labada dowladood kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024. Heshiiskaasi waxa uu dhigaya in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha iyo tababarka ciidan badeed awood leh.
Dowladda Turkiga ayaa sanadkii tegay bilowday barnaamij tababar oo ay ugu talagashay duuliyayaal Soomaaliyeed, si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee nooca Atak. Diyaaradaha la keenay Muqdisho waxay yimaadeen kadib markii duuliyayaashaasi dhammeeyeen heerarkii ugu dambeeyay ee tababarkooda.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku adkeystay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaalanka argagixisada, isagoo xusay in taageeradaasi la ballaarin doono, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.
Tallaabadan ayaa muujinaysa xiriirka istiraatiijiyadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, iyadoo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga gobolka iyo in Soomaaliya laga taageero sidii ay ula tacaali lahayd khataraha argagixisada.