Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in maxaabiistii ay ka qaaday Laascaanood ku wareejiso ICRC

Hargeysa, Somaliland – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga falcelisay tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho ugu qaaday 25 maxbuus oo ka tirsanaa maxaabiistii Somaliland kaga xirnaa magaalada Laascaanood, waxayna arrintaas ku tilmaantay “afduub sharci-darro ah” oo baalmarsan xeerarka caalamiga ah ee quseeya arrimaha maxaabiista.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa si qoto dheer looga muujiyay walaac ku aaddan qaabka loo maareeyay sii-deynta maxaabiistan, iyadoo lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay maxaabiistaasi ku qasbtay inay xidhaan calanka Soomaaliya, arrintaas oo Somaliland ku tilmaantay “hanjabaad iyo takoor ujeeddo siyaasadeed leh.”

“Waxaanu Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqaynaa in maxaabiista ay si sharci-darro ah ula wareegtay ay si degdeg ah ugu wareejiso Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), oo qaabilsan ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo la kala wareegooda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeysay Dowladda Federaalka inay si ula kac ah u adeegsatay maxaabiistan si ay cadaadis siyaasadeed ugu saarto Somaliland, iyadoo sheegtay in dadkan laga qabtay deegaanno ay colaado ka jireen, gaar ahaan gobolka Sool, ayna la kulmeen daryeel la’aan iyo xadgudubyo.

Warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray in falkaasi uu jebinayo Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Xeerka Saddexaad ee Heshiisyada Geneva ee 1949, oo si gaar ah u dhigaya in maxaabiista dagaalka aan loo adeegsan karin ujeeddooyin siyaasadeed. Somaliland waxay xustay in gaar ahaan Qodobka 12aad iyo Qodobka 118aad ee heshiiskaasi si cad uga horimaanayaan tallaabada dowladda Soomaaliya qaaday.

Sii-deynta maxaabiistan ayaa timid kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul-goboleed rasmi ah, isla markaana ku qancisay maamulkaasi in 25 maxbuus oo ay hayeen laga soo daayo Laascaanood, sababo la xiriira duruufo gaar ah oo ay wajahayeen.

Tallaabadan ayaa si weyn uga careysiisay Somaliland, taas oo horey u diidday jiritaanka SSC-Khaatumo, waxayna jawaab celin ahaan ku dhawaaqday inay joojisay wadahadalladii ay horay ula lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa arrinta aqoonsiga SSC-Khaatumo ku tilmaantay faragelin qaawan oo lagu xadgudbayo madax-bannaanideeda dhuleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *