Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay u baahan tahay $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo daboolo baahida dhaqaale ee harsan ee Howlgalka Taageerada Xasiloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), sida ku cad warbixin uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Miisaaniyadda la cusboonaysiiyay ee howlgalka AUSSOM ayaa lagu qiyaasay $166.5 milyan, taasoo si weyn uga yar qiyaastii hore ee ahayd $190.2 milyan. Hoos u dhaca miisaaniyadda ayaa yimid kadib markii Midowga Afrika uu mushaarka askariga howlgalka hoos ugu dhigay $828 halkii uu hore uga ahaa $1,000.
Illaa iyo hadda, dhaqaalaha la helay ee la xaqiijiyay wuxuu gaarayaa $14.5 milyan—oo ay ka mid yihiin $10 milyan oo laga helay Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika iyo $4.5 milyan oo deeq ah oo ka timid dowladaha Japan iyo Koonfurta Kuuriya. Sidaas darteed, waxaa weli loo baahan yahay $27 milyan si loo buuxiyo baahida howlgalka.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in howlgalka AUSSOM uu wajahay taageero dhaqaale oo aad u xaddidan, iyadoo ay jiraan caqabado dhaqaale oo caalami ah iyo hubanti la’aan ku saabsan habka maalgelinta mustaqbalka, taasoo saameyn ku yeelatay dadaallada lagu raadinayo deeqo cusub.
Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya xaalad dhaqaale oo adag xilli ay jiraan khataro amni oo sii xoogeysanaya, gaar ahaan weerarrada kooxda Al-Shabaab oo weli khatar amni oo weyn ku ah dalka Soomaaliya.
Isniinta soo socota, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay yeeshaan dood muhiim ah oo ku saabsan maalgelinta howlgalka AUSSOM, iyagoo ka ambaqaadaya qaraarka lambarkiisu yahay 2719.
Dhowr wadan oo xubno ka ah Golaha Ammaanka—oo ay ka mid yihiin Aljeeriya, Sierra Leone, Soomaaliya, Guyana, Denmark, Faransiiska, Giriigga, Slovenia, Panama iyo Koonfurta Kuuriya—ayaa muujiyay taageeradooda buuxda ee howlgalka. Sidoo kale, wadamada Shiinaha, Ruushka iyo Pakistan ayaa muujiyay inay taageersan yihiin dadaallada lagu maalgelinayo AUSSOM, iyagoo la filayo inay taageeraan dhaqangelinta qaraarka cusub ee lambarkiisu yahay 2767.