Puntland Guul Ka Sheegatay Dagaalka Daacish

Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gaareen guulo la taaban karo oo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish, kadib howlgallo ballaaran oo ka dhacay buuraha gobolka Bari, gaar ahaan degaanka Cal Miskaad.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee ay fulinayaan saaxiibada Puntland ay door muhiim ah ka ciyaareen guulaha laga gaaray dagaalka, Wuxuu xusay in iskaashi joogto ah lala leeyahay saaxiibadaasi uu sare u qaaday awoodda Puntland ee la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Deni ayaa sidoo kale qiray in mararka qaar duqeymahaasi ay sababeen khasaare gaaray dadka rayidka ah ee ku dhow goobaha howlgalladu ka socdaan. Wuxuu sheegay in Puntland ay mas’uuliyad ka saaran tahay gurmadka iyo daryeelka dadka waxyeelladu soo gaarto.

Daacish ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii ku dhuumaaleysaneysay buuraha gobolka Bari, iyagoo weerarro isdaba joog ah ka fuliyay qeybo kamid ah Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in kooxda laga saaro guud ahaan gobolka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga deegaannada buuraleyda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *