Farmaajo oo cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac
Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka ah ee Soomaalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saarey war-saxafadeed uu codkiisa ku biiriyay cambaareyn loo jeediyay xariga dowladda kula kacday hogaamiyaha xisbiga dadka. “Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu…