Soomaaliya iyo Turkiye oo kala saxeexday heshiis Shidaal Baaris ah

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa heshiis istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo laga bilaabayo hawlgal sahamin shidaal oo lagu sameynayo dhulka gudaha Dalka (Onshore Blocks). Heshiiskan muhiimka ah ayaa ka dhashay kulan wadatashi ah oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda…

Read More

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay kulankoodii maanta oo Khamiis ah Ra’iisul wasaaraha, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali…

Read More

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Wasaaradda Caafimaadka XFS

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Wasaaradda Caafimaadka XFS. Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saaray amar ku socda isbitaalada gaarka loo leeyahay, kaddib markii ay soo bateen cabashooyin ka imaanaya dhakhaatiirta ajaanibta ah, gaar ahaan walaalaheen reer Suudaan ee ka shaqeeya dalka. Cabashooyinkani waxay la xiriiraan dhibaatooyin dhanka heshiisyada…

Read More

Raysal Wasaare Xamse oo lagu wado inuu mashaariic ka dhagax dhigo magaalaa Laas Caanood

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Mohamed Jimcaale ayaa ka warramaya ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay in uu yahay 𝗦𝗮𝗳𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗶𝗱𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮. Afhayeenka ayaa xusay in Ra’iisulwasaaruhu inta oo joogo laascaanood uu la kulmayo…

Read More

Golaha Ammaanka oo lagu wado inuu ka doodo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo saameynta Al-Shabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu bishan Abriil gudaheeda yeelan doono kulan gaar ah kaasoo sida la yiri waxaa looga doodi doono xaaladda Soomaaliya, iyadoo James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Hawlgalka KMG ah ee UN-ka (UNTMIS), la filayo inuu warbixin siiyo. Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale…

Read More

Soomaaliya: Kulan amniga ku saabsan oo Muqdisho ka dhacay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi [Asad Diyaano] ayaa shir gudoomiyey kullan Saraakiisha Amaanka ee Gobalka Banaadir ugu diyaar garoobayaan sugidda Amniga Doorashooyinka Dalka. Kullanka ayaa intii uu socday looga hadlay Doorka Ciidamada Boliiska uga aadan sugidda Amniga muwaadiniinta, waxaana uu Taliyuhu Saraakiisha faray in Ciidamadu shacabka markasta ka dhigtaan wehelkooda koowaad…

Read More

Wasiirka duulista hawada oo Muqdisho kula kulmay wasiirada duulista hawada ee dowlad goboleedyada

Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan muhiim ah Muqdisho kula yeeshay  Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Dowlad-goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Wasiir kuxigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo is-xogwareysi ah, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta wadashaqeynta…

Read More

Raysal Wasaare Xamse oo Qaabilay madaxa Jaamacada Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha…

Read More

The Somali Foreign Minister seeks bilateral cooperation with his Egyptian counterpart in Cairo

H.E. Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Ahmed Maalam Faqi Ahmed, met on Wednesday in Cairo, his counterpart, the Minister of Foreign Affairs, Migration and Egyptians Abroad, H.E Dr. Badr Abdel-Atty, on the sidelines of the work of the second ministerial conference of “Operation Khartoum”, and with him researching ways of strengthening relations…

Read More