Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Dhigiisa kula kulmay Qaahiro, Masar
Qaahira: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wasiir…