Washington, D.C. – Juun 2, 2025: Hay’adda New America, oo si dhow ula socota duqeymaha cirka ee uu Mareykanku ka geysto Soomaaliya iyo dalal kale, ayaa sheegtay in ugu yaraan 109 ilaa 174 qof lagu dilay 34 duqeyn oo Mareykanku sanadkan 2025 ka fuliyay gudaha Soomaaliya. Warbixinta hay’adda ayaa sidoo kale tilmaantay in dadka la dilay ay ku jiraan dad rayid ah.
Duqeymahan sii kordhaya ayaa dhacaya xilli Mareykanka uu xoojiyay weerarrada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS). Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, ayaa 30-kii May shir jaraa’id ku sheegay in weerarradan si gaar ah loogu beegsaday xarumaha iyo horjoogayaasha labada kooxood.
“Duqeymaha cirka waxay qayb muhiim ah ka yihiin taageerada aan siineyno ciidamada Soomaaliya ee dagaalka adag kula jira kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan ISIS iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Gen. Langley. Wuxuu intaas ku daray in weerarradaasi ay sabab u noqdeen “guulo istaraatiji ah” oo wiiqay awoodda dagaal ee kooxahaas.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda New America waxay sheegtay in wali aan si dhab ah loo ogaan tirada saxda ah ee dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeymaha Mareykanka ee sanadkan, balse intii u dhaxaysay labada sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 33 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro la mid ah kuwa hadda socda.
Mid kamid ah weerarradii ugu waaweynaa ee sanadkan dhacay ayaa dhacay 1-dii Febraayo, markaas oo markab dagaal oo Mareykanka leeyahay, USS Harry S. Truman, oo ka howlgalaya biyaha u dhexeeya Yemen iyo Geeska Afrika, uu fuliyay weerar cirka ah oo ballaaran gudaha Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo dadaallada ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen.
Warbixinta ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo khasaaraha rayidka iyo saameynta joogtada ah ee duqeymaha cirka ku yeelanayaan xasilloonida iyo xaaladda bini’aadantinimo ee dalka Soomaaliya.