Madasha Mucaaradka oo Soo dhaweysay sii dayntii Nabadoon Xaadoole

Muqdisho – Madaxda isbahaysiga mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Nabadoon Xuseen Xaadoole, kaasoo muddo 33 maalmood ah u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa hadal ka jeediyay xildhibaan Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan mucaaradka, wuxuuna si adag u dhaliilay tallaabooyinka dowladda ee lagu beegsanayo dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa laga barakiciyay dhulka danta guud.

“Marnaba kama daali doonno garab istaagga dadka ay dhibaatada u geysanayso dowladda federaalka. Waa mas’uuliyaddeenna in aan la jirno kuwa la dulmiyay, waana mid ka mid ah sababaha aan u taaganahay Samatabixin dhab ah,” ayuu yiri Cabdirahmaan Cabdishakuur.

Soo dhaweynta Nabadoon Xaadoole ayaa timid kadib markii uu si cad uga soo horjeestay barakicintii dowladda ku samaysay dadka ku noolaa dhulalka loo aqoonsaday danta guud, arrintaas oo keentay in muddo bil ku dhow lagu xiro xabsiyada dowladda.

Isbahaysiga mucaaradka ee Samatabixinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kulamo joogto ah la yeelanayay qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa dhibaatada kala kulmay dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *