Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania oo la kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania

Dar es Salaam — Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Muungano ee Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Dar es Salaam kula yeeshay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bulshada Bariga Afrika, Danjire Stephen Mbundi.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhaqan-gelinta heshiisyadii dhawaan labada dal kala saxiixdeen, kuwaas oo la filayo in ay horseedaan iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Danjire Ilyaas ayaa kulanka kadib sheegay in ay si gaar ah uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo helista fiisaha dal-ku-galka Tanzania. “Waxaan ku bogaadinayaa Danjire Stephen mudnaanta uu siiyay arrintan muhiimka ah, iyo sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania uga go’an tahay hirgelinta arrintan si dhakhso leh,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Intaa waxa uu raaciyay in sidoo kale ay isla soo qaadeen fursadaha iskaashi ee u dhexeeya labada dal, kuwaas oo ay kamid yihiin kobcinta maalgashiga, kor u qaadista ganacsiga, horumarinta dalxiiska iyo dhiirrigelinta isdhaafsiga aqoonta. Wuxuuna xusay in dhammaan qodobadan lagu saleeyay mabaadi’da guud ee ay wadaagaan dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania, iyadoo lagu wado in kulammo dheeri ah ay daba socdaan si loo dardargeliyo hirgelinta qodobadii lagu heshiiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *