Hiiraan – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Ceel Hareeri, oo hoostaga degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin ay ciidamada Macawiisleydu ku leeyihiin deegaanka, iyadoo weerarka lagu bilaabay qaraxyo xoogan oo si toos ah u beegsaday saldhigga ciidanka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, islamarkaana ay wadaan iska caabin xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, hase yeeshee wararkii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in dagaalku uu si xoog leh uga socdo duleedka deegaanka Ceel Hareeri, iyadoo labada dhinacba ay wali is-hayaan.
Deegaanka Ceel Hareeri ayaa toddobaadyadii u dambeeyay marar kala duwan martigeliyay dagaallo culus oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Macawiisleyda ee deegaanka, kuwaasoo markii hore lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay halkaas ku waayeen in ka badan 70 dagaalyahan.
Dagaalka socda ayaa qeyb ka ah dadaallada xooggan ee dadka deegaanka iyo ciidamada iskaa wax u qabso u ah ee Macawiisleydu ay kaga hortagayaan weerarrada joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab ay ka fuliso gobolka Hiiraan. Waxaa la filayaa in faahfaahin dheeri ah laga helo khasaaraha iyo xaaladda guud marka uu dagaalku istaago.