Dagaal culus oo ka dhacay Raaskambooni

Raaskambooni– Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamul-goboleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba dhinac oo ka wada tirsan Daraawiishta Jubbaland, waxaana ka dhashay khasaare leh dhimsho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil iyo muran dhul oo ka taagan halkaas oo ay ciidamadu isku qabteen, waxaana arkasta dagaalantay ay kasoo kala jeedaan beelaha mareexaan iyo ogaadeen.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka kala tirsan labada dhinac ee ku wada dagaalamay halkaasi.

Xaaladda deegaanka ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada Jubbaland oo ku wada dagaalamay magaalada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland oo ku aadan dagaalkan ka dhex qarxay ciidamadeeda ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, intaba., waxaana laga yaabaa in markale uu dib u bilowdo dagaalka sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *