WASIIRU DOWLAHA ARIMAHA DIBADA OO SHEEGAY IN KOONFUR AFRICA U DIIDAY VISAHA RAYSAL WASAARE HORE MUDANE ROOBLE

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar Cali Balcad ayaa beeniyay in iyagu ahaayeen cida u diiday visaha raysal wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble balse ay tahay Dalka South Africa. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay soo weydiisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya wafdiga Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland oo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabahii keenay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Fedaraalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay si qoto dheer uga hadlay waxa keenay khilaafka adag ee kala dhexaaya dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo halkuu kasoo bilaawday. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka sababaha uu uga baxay ay aheyd mudo kororsigii lagu sameysanaayey iyo inuu eegay danaha beesha…

Read More

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧 𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka. Bisha Ramadaan waa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada, iyo isu naxariisashada bulshada.  Raysal wasaaraha ayaa ka codsaday ummadda soomaaliyeed intooda wax heysata inay taageeraan…

Read More

Madaxweyne Ciro oo Hargeysa ka Furay Shir Muhiim ah

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  ayaa daah-furay Shirka Beeralayda Somaliland oo lagaga tashanayey kaalinta lama illaawaanka ah ee ay beeruhu kaga jiraan horumarka iyo dhaqaalaha. Shirkani wuxuu ahaa mid beeralayda lagu dhiirrigelinayey in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda laga soo  waarido. Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda…

Read More

Burundi oo bilowday in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya 18 Sano kadib

Burundi ayaa si rasmi ah u billowday in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, taasoo soo afjartay 18-sano oo ay ka mid ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Go’aankan ayaa daba socda khilaaf ku saabsan qoondada ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Wadahadalo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Burundi ayaa lagu guuldareystay in…

Read More

NISA oo burburisay gaadiid qaraxyo siday

Howlgal duqayn ah oo ay xalay fuliyeen ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka iyo saaxiibbada caalamka ayaa lagu naafeeyay Al-shabaab. War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaannada Sigato iyo Lebi Aw-Xasan oo u dhexeeya degmooyinka Ruun-nirgood iyo Al-kowthar ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo cadowga looga gubay…

Read More

Dowladda Imaaraadka oo deeq raashiin ah ku wareejisay hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah kala wareegay Safiirka isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi. Guddoomiyaha SoDMA ayaa deeqdaan oo loo qorsheeyay ilaa 600 oo qoys ku wareejiyay Guddoomiyayaasha degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir,…

Read More

Wasiirka Qoyska oo qaabishay Danjiraha Qatar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda kusoo dhaweysay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho Amb Abdullah Salem Nasser, waxaana ay Wasiirka iyo Safiirka kawada hadleen hawlaha hor yaala Wasaaradda, gaar ahaanna dhinacyada Xuquuqul Insaanka iyo hormarinta Qoyska. Danjire Abdullah Salem Nasser ayaa ugu horeyn Wasiirka…

Read More