Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho. Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo xafiiskiisa oo qaabilay masuuliyiin ka socday dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday dalka Masar. Kulan gaar ah oo taliyaha iyo masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal ee dhanka tababarrada iyo la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo daroogada.

Read More

Golaha shacabka oo soo gabangabeeyey dood ku saabsan xasaanadda iyo safarada Xildhibaanada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada…

Read More

Wasiir Biixi oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson iyo xubnaha sare oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed…

Read More

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal guud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladda si loo hagaajiyo shaqada wasaaradaha. Arintan ayaa ku soo beegmeysa ka hor inta uusan wafdi heer sare ah ee uu hogaaminaayo Raysalwasaaraha Xukuummadda…

Read More

Taliska xoogga dalka oo Hirshabelle ka wada hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo Gobalada Hiiran iyo Shabellaha dhexe ka wado dardar galinta hawlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada kooxta al-Shabab ayaa maanta dhiiragalin ugu tagay Ciidamo ka tirsan xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan Deegaanka Qoryaale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiran Taliyaha ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay…

Read More

IGAG OO SOO DHOWEEYSAY BOOQASHADII ABIY AHMED EE MUQDISHU

IGAD ayaa soo dhoweeysay xiriirka diplomaasi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia kaasoo sii hagaagaya ka dib booqashadii uu Raysal Wasaaraha Ethiopia ku yimid Magaalo madaxda dalka Soomaalia, Muqdisho. IGAD ayaa arintaan ku macneeysay horumar laga gaaray dhanka amaanka, displomaasiyada iyo isku xirnaanshiyaha gobolka geeska Africa. Warxbixin lagu daabacay boga X ee horey loo oran…

Read More

Ciidamada Dowladda oo Al shabaab kala wareegay magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya degaanada Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Ciidamada Darawiishta Galmudug, xooga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay gudaha u galeen oo ay dagaal kula wareegeen inta badan Magaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug. Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay saakay weerar ballaaran ku qaadeen halkaasi oo fadhiisin u ahay…

Read More