Madaxweynaha Georgia oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ankara

Danjiraha Sooaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Joorjiya (Georgia) Mudane Mikheil Kavelashvili. Danjirahaan ayaa sidoo kle Soomaaliya uga masuul ah wadamada bartamaha Aasiya iyo Gobolka Koofurta Khowkhaas,waxaana howshiisu tahay isku xirka nidaamka dibolomaasi ee ka dhaxeya dalkeenna iyo kuwa kale. Kulanka danjirah iyo madaxweynaha Joorjiya (Georgia)…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka jawaabay hanjabaadda ururka ONLF

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar ‘Cagjar’, ayaa ururka ONLF ku eedeeyay inuu doonayo inuu dhibaato galiyo shacabka deegaanka, kadib markii ururku dagaal ugu hanjabay dowladda Itoobiya. Madaxweynaha oo ka jawaabay hadalka Guddoomiyaha ONLF ee ah in Itoobiya ay ka baxday heshiisyadii xabbad-joojinta, ayaa xusay in xalinta dhibaato kasta ay keento caqabado cusub, balse…

Read More

Soomaaliya oo diyaarineysa ergay dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya Suudaan

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhowaaan la magacaabi doono ergay u howlgala sii ambaqaadidda qorshaha badbaadinta ee Dalka Suudaan. Wasiiru dowlaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahy dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan,isagoo qiray in dalkaasi uu kamid yahay dalakii u soo gurmaday Soomaslaiya….

Read More

Guddoomiyaha SoDMA oo maanta Masaajid Cali Gaduud geeyay 12 gaari oo sida shixnado gargaar ah

Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta 12 gaari oo siday shixnado gargaar macaawino ah geysay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Màxamuud Macalin Cabdulle oo gargaarkaan ku wareejiyay guddoomiyaha deegaanka Masajid Cali gaduud ayaa sheegay in shixdaan gargaarka ah ay isugu jirto raashiin, dhar iyo agabka…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo dilay in ka badan 20 oo dagaalyahanada al-Shabab ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay kooxda al-Shabab isku dayeen inay kusoo qaadaan deegaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dagaalyahan…

Read More

Somaliland oo SSC Khaatumo ku eedaysay masuuliyadda dagaalkii maanta ka dhacay Buqdharkayn

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Buqdharkayn ee dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo uu bilowday kadib markii ciidamada SSC Khaatumo ay isku dayeen inay dhacaan xoolo la waraabinayay. “Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan kooxaha la baxay Khaatumo ayaa weerar kusoo qaaday dad shacab ah oo ka dhaansanayey baraagahooda…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay Ajaanib iyo Soomaali ka soo horjeeda horumarka iyo Ammaanka Dalka  

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isu diyaariyaan sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku tashiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in wiilal Soomaaliyeed ay nafahooda u hureen xoraynta deegaanno badan oo muddo sanado ah ku jiray gacanta kooxda Al-Shabaab. Madaxweymuhu wuxuu caddeeyay…

Read More

Dowlada Federaalka ah oo ciidan geysay degaan ay dhowaan weerartay Al shabaab

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa degaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo…

Read More