Puntland oo joojisy ajaanibta ku soo galaysa sida sharci darada ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo ‘ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland,’ isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan. Madaxweyne Deni ayaa amarkan la socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo…

Read More

Ciidanka xooga dalka oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayeen deegaano ka tirsan Bakool

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala bariga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. Howlgalkaan ayey ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala ah Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor iyo Garas oo ah dhamaantood deegaano hoostaga Bariga degmada Xudur  ee xarunta gobolka Bakool. Abaanduulaha guutada…

Read More

Wajigii koowaad ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ka dhacay Ankara

Waxaa magaalada Ankara ka dhacay wareegii koowaad ee wada-hadallada dhinaca farsamada ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu fududeeyay Turkiga, sida ku cad baaqii Ankara ee la ansixiyay December 11, 2024. Kulamo gaar gaar ah oo uu wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha…

Read More

Madaxweynaha Uganda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya 

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta Uganda ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbisay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni. Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Uganda, halkaas oo Madaxweyne Museveni uu si diirran ugu soo dhaweeyey danjiraha cusub. Intii ay socotay kulanka labada…

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee WTO

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala. Kulankan ayaa daba socday wadahadalladii bilowga ahaa ee shalay dhexmaray Soomaaliya iyo WTO, kuwaas oo lagu furay hannaanka ay…

Read More

Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyey Degmo cusub

Kulanka Golaha Wasiirrada oo ka dhacay magaalada Jowhar, caasimada HirShabelle waxaa caawa shir-guddoomiyay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) waxaana diirrada lagu saaray dagaalka Al-Shabaab lagaga ciribtirayo guud ahaan Hirshabeelle. Wasaaradda Amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda amni ee guud ahaan Hirshabeelle, waxana ay tilmaamtay in saacadihii ugu dambeeyay guulo waa…

Read More

Puntland oo amar culus ku soo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta

Puntland ayaa ku amartay shirkadaha Isgaadhsiinta inay xiraan dhammaan lambarada ku diiwaan gashan magacyada ajaaniita ka tuugsata magaalooyinka waaweeyn ee Dowlad Goboleedka Puntland. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin kooxda Daacish oo dagaal adag kula jirta ciidamada Puntland. Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii ay ciidamada booliska Puntland…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed oo heshiis la saxiixday Shirkad laga leeyahay Kuwait oo dhiseysa Dekadda Baraawe

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixday shirkadda Kuwaiti ah oo lagu magacaabo “Arabic Digital Holding” si ay u horumariso, ugana shaqeyso dekedda magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u dheer tahay soo saarista agabka dabiiciga ah muddo 25 sano ah. Munaasabadan saxiixa heshiiska, guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulaha shirkadda Arabeek Digital…

Read More