Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Golaha Shacabka uga naqay ansixinta Hindise Sharciyeedka…