Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Xarunta Casriga ah ee Wasaaradda Beeraha
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah oo loogu talagalay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya. Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday goobta dhismaha xarunta cusub, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in Wasaaradda Beeruhu ay hormuud…