Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo soo buux dhaafiyay miyiga magaalada Baydhabo
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar kamid ah beeraleeyda miyiga. Wararka aan heleyno ayaa tibaaxaya in Dadka ku nool tuulooyin ay ka mid yihiin Gasarta, Dambalka, iyo deegaano ku dhow Baay-Burjeet…