Madaxweyne Xasan Sheekh oo la shiray ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muuqda ee ku aaddan dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka, iyo garab…