Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka…

Read More

Maxkamadda gobolka Baay oo dil toogasho ah ku fulisay Nin horay dil uga geystay Baydhabo

Maxkamadda gobolka Baay, ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi Maxamuud, kaasi oo shalay magaalada Baydhabo, ee caasimada ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedkaas, ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah. Dilka marxuum Abshir ayaa ka dhacay xafiis uu ka shaqeynayay…

Read More

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qaybgalay Shir Sare oo Lagaga Hadlay Maareynta Daymaha Dowladaha ee Midowga Afrika

Lomé, Togo – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XHGS) ayaa si rasmi ah uga qaybgalay shir heerkiisu sarreeyo oo uu Midowga Afrika ku qabtay magaalada Lomé ee dalka Togo, kaas oo diiradda lagu saarayay arrimaha la xiriira “Maareynta Daymaha Dowladaha, Dib-u-habaynta iyo Sugidda Waxtarka Daymaha”. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha,…

Read More

Madaxweyne Ciro oo sheegay in Somaliland Madax Banaan ay wax ka tari karo xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya

Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal xooggan gelisay raadinta aqoonsiga caalamiga ah, isagoo xusay in ay waraaqo rasmi ah u direen dalalka caalamka si ay u gaadhaan yoolkaasi. Madaxweyne Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qaran…

Read More

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed 

Raysalwasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaalia Xamse Cabdi Barre ayaa madax roonta dhallinyarada Soomaaliyeed kulan kula yeeshay Magaalada Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka. Wuxuu kaloo kulanku daarana sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed kaalin cad ka qaataan dardargelinta difaaca dalka iyo hirgelinta doorashooyinka dadweynaha. Mudane Xamse…

Read More

Guddoomiyaha SoDMA oo Nairobi ka Daahfuray Kulan Sare oo Lagu Dardar-gelinayo Xogta Barakaca iyo Isbeddelka Cimilada

Nairobi – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi si rasmi ah uga daahfuray kulan muhiim ah oo lagu falanqeynayo horumarinta nidaamka xog-ururinta iyo ka jawaabista musiibooyinka, gaar ahaan kuwa la xiriira barakaca iyo isbeddelka cimilada. Kulanka oo ay ka qeybgalayaan khubaro heer sare ah, sameeyayaal siyaasadeed, maamulka sare…

Read More

Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay Koox dilal iyo dhac ka geystay magaalada Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo maanta shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Koox dambiilayaal ah oo horey maxkamado u xukuntay balse heshiis Bulsho lagu sii daayay ay dib u bilaabeen falal amaanka liddi ku ah sida dilka iyo boobka shacabka Soomaaliyeed. Afhayeenka waxa uu tilmaamay in dhacdooyinka noocaasi oo kale…

Read More

Madax Hore iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah oo War-saxaafadeed Walaac Leh Kasoo Saaray Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka

Muqdisho – Qaar ka mid ah madaxda hore ee dalka iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo si wadajir ah u saaray war-saxaafadeed rasmi ah ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan dalka, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay doorka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la sheegay inuu ka leexday hoggaamintii…

Read More

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Kenya uga qaybgalaya shirka IATA

Nairobi, Kenya – Wafdi heer sare ah oo ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, una hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Faarax Nuux, una wehlinayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, ayaa ka qeyb galay shir heer caalami ah oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya….

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga oo si Rasmi ah u Soo Xiray Tababar Lagu Xoojinayo Istaraatiijiyadda Warbaahineed ee Difaaca Qaranka

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehelinayeen Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa si rasmi ah uga soo xiray xarunta warbaahinta ee wasaaradda tababar socday muddo saddex maalmood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tababarkan oo ay ka faa’iideysteen in ka badan…

Read More