Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Federaalka oo la kulmay Wasiirka Caafimaadka ee SSC-Khaatumo, kana wada hadlay xoojinta adeegyada caafimaadka

Muqdisho – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Bulaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, Dr. Yuusuf Saleebaan, iyo Xildhibaan Cismaan Cali Jubba. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda Caafimaadka heer federaal iyo tan…

Read More

Wasaaradda Kalluumeysiga oo digniin ka soo saartay kacsanaanta badda, bulshada iyo kalluumeysatadana ku wargelisay khataraha jira

Muqdisho – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah oo ay uga digeyso kacsanaanta ka jirta badda xilligan, taas oo laga yaabo inay keento xaalado khatar ah. Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama…

Read More

Madaxweynaha Jabuuti oo eedayn culus u jeediyay Imaaraadka Carabta, kuna dhaliilay qorshayaal milatari oo maldahan

abuuti – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay maalgelin baaxad leh oo ay Afrika ka samaynayaan u adeegsanayaan danaha milatari ee qarsoon. Wareysi uu siiyay Idaacadda caalamiga ah ee Radio France Internationale (RFI), Madaxweyne Geelle wuxuu ku sheegay in ololaha Imaaraadka ee lagu…

Read More

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Federaalka oo Ka Qeyb Galay Aaska Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale

Muqdisho, Soomaaliya – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale, Taliyihii Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada ah. Munaasabadda salaadda…

Read More

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Tamarta Atomiga ee Adduunka (IAEA)

Geneva, Switzerland – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa kulan muhiim ah magaalada Geneva kula yeeshay madax sare oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), taas oo ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay sanadkii 2024. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u…

Read More

Agaasimaha NISA oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ee La Dagaalanka Argagixisada

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa si diirran u soo dhaweeyay go’aanka ay Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku ansixisay heshiiska ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan iskaashiga la dagaalanka argagixisada iyo maalgelinteeda. Agaasimaha ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah xoojinta wadashaqeynta amni ee…

Read More

Madaxweynaha Rwanda oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya

Kigali, Rwanda – Madaxweynaha dalka Rwanda, Mudane Paul Kagame, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Rwanda, Mudane Ilyaas Cali Xasan. Munaasabadda guddoomista waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Rwanda, iyadoo lagu muujiyey xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyo sidoo…

Read More

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM)

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashi ku aaddan dhisidda Nidaamka Macluumaadka Suuqa Shaqada (Labour Market Information System – LMIS) iyo horumarinta siyaasadda socdaalka…

Read More

Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

Hiiraan – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, meel howd ah oo ku taalla xuduudda u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen deegaankaas,…

Read More

Wasaaradda ganacsiga oo soo gabangabaysay wadatashi ay la yeelatay dowlad goboleedyada

Muqdisho – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gebagebeysay shir wadatashi qaran oo muhiim u ah horumarinta nidaamka ganacsi ee dalka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu dhex maray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Aadan Geesood,…

Read More