Khaatumo oo Shaacisay Cida Fulisay Dilkii loo Geestay Faarax Ceydiid

Laascaanood – Maamulka Khaatumo ayaa si rasmi ah uga hadlay dilka sargaal amni oo katirsanaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe, kaasoo habeen hore meydkiisa laga helay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), ayaa si naxariis-darro ah loo dilay, iyadoo meydkiisa lagu arkay calaamado cad oo…

Read More

Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay duleedka Jowhar

Jowhar – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Jowhar, oo ah caasimadda maamulka HirShabelle, kadib markii la arkay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugan agagaarka magaalada. Ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus oo laga…

Read More

Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo soo buux dhaafiyay miyiga magaalada Baydhabo

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar kamid ah beeraleeyda miyiga. Wararka aan heleyno ayaa tibaaxaya in Dadka ku nool tuulooyin ay ka mid yihiin Gasarta, Dambalka, iyo deegaano ku dhow Baay-Burjeet…

Read More

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar ay Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyey weerar khawaarijta ay ku soo qaadeen fariisimo ciidanka ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, iyadoo la toogtay kooxdii weerarka soo qaadayo, waxaana socda howlgallo lagu sii baacsanaya firxadkii Khawaarijta Daacish. Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shalay hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, iyagoo khaarajiyay khawaarijta…

Read More

Wasiirka Amniga Gudaha oo Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya

Nairobi – Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula yeeshay kulan muhiim ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo nabadgelyada, iyadoo la iska xogwaraystay xaaladda…

Read More

War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka al-Shabaab oo Muqdisho ka socday

Muqdisho – War-murtiyeed rasmi ah ayaa laga soo saaray Shirweynaha ballaaran ee la-dagaalanka Khawaarijta, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 700 oo ergay, kuwaas oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, una matalayay ururrada bulshada, culimada, haweenka, dhallinyarada,…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ku bogaadiyay Ciidamada xoogga guulaha ay ka gaareen dagaalka al-Shabaab

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si weyn ugu ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay. Wasiir Jibriil ayaa sheegay…

Read More