Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti si Loo Xoojiyo Iskaashiga Ganacsi

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Abdoulkader Kamil Mohamed. Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxay…

Read More

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF-2025) oo Si Rasmi Ah Looga Daah-furay Gaalkacyo

Gaalkacyo – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF – 2025). Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha gargaarka, helidda xal waara oo lagula tacaalo saameynta isbeddelka cimilada, iyo dardargelinta nidaamka gurmadka…

Read More

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Kampala – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan muhiim ah xafiiskeeda kula yeelatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa. Kulanka ayaa xooga lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka, fududeynta is-dhexgalka bulshooyinka Soomaaliyeed iyo Ugandheyska, iyo sidii kor loogu qaadi…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada ku Qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Souleiman Hassan Waberi. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Mudane Souleiman Waberi doorka uu ku leeyahay horumarinta ciyaaraha,…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Qaabilay Xubin Sare oo Ka Tirsan Golaha FIFA

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Suleyman Xasan Waaberi, oo ah xubin sare oo ka tirsan Golaha FIFA isla markaana ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti. Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali,…

Read More

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay danjiraha Denmark

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii taageerada horumarineed ee Denmark loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxaa ka mid…

Read More

Danjiraha Soomaaliya oo u gudbisay warqadaha aqoonsiga Madaxweynaha Mongolia

Ulaanbaatar – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha, isla markaana ah Danjiraha aan Deganaansho ku lahayn ee Mongolia (Non-Resident Ambassador), Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga ugu gudbisay Madaxweynaha Mongolia, Mudane Khürelsükh Ukhnaa, xaflad si heer sare ah loogu qabtay xarunta Madaxtooyada dalkaasi. Xafladdaasi ayaa ahayd mid si rasmi…

Read More

Dowladda FS oo la dagaalamaysa kalluumaysiga sharci darrada ah

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay madaxda iyo saraakiisha Xarunta La Socodka iyo Ilaalinta Kalluumeysiga (FMC), si uu uga warqaato xaaladda guud ee kalluumeysiga dalka iyo ilaalinta badda Soomaaliyeed. Shirkan oo ka dhacay xarunta FMC ee wasaaradda ayaa…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Ku Simaha Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Danjire Carsten Carlsen. Kulanka oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo qaran oo dhaxal-gal ah oo ay ka mid yihiin: dib-u-heshiisiinta dalka, dimuqraadiyeynta hay’adaha,…

Read More