Wargeyska

Dil Qisaas ah oo lagu fuliyay nin hore ganacsade ugu dilay Gaalkacyo

Boosaaso: Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta ku fulisay dil toogasho Deeq Cabdul Cawil oo 15 Febraayo 2024 magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aadan. Qisaasta oo ay fushadeen dadkii xaqa u lahaa ayaa ka dhacday duleedka magaalada Boosaaso, waxaana goobjoog ahaa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidanka qalabka sida…

Read More

Madasha Mucaaradka oo Soo dhaweysay sii dayntii Nabadoon Xaadoole

Muqdisho – Madaxda isbahaysiga mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Nabadoon Xuseen Xaadoole, kaasoo muddo 33 maalmood ah u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa hadal ka jeediyay xildhibaan Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan mucaaradka, wuxuuna si adag u dhaliilay tallaabooyinka dowladda…

Read More

Soomaaliland oo soo dhaweysay nabadoono u socday shirka nabadda Beelaha Gobolka Sanaag

Hargeysa: Ergo nabadeed oo ka soo baxay degmada Badhan iyo degaannada hoosyimaada ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka degmada Ceerigaabo, waxaana la sheegay in ay  ka qeyb gali doonaan Shirka Nabadda Beelaha Gobolka Sanaag oo dhawaan ka furmi doona magaalada Ceerigaabo. Ergadan oo ka kooban odayaasha dhaqanka gaar ahaan cuqaal, nabaddoon iyo waxgarad kale ayaa waxa…

Read More

Dowladda federalka iyo Mucaaradka oo la filayo inay wadahadal yeshaan, kadib cadaadis caalami ah

Muqdisho: Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka, ay si rasmi ah ugu biireen dadaallada lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho ayaa la…

Read More

Ciidamada Booliska oo digniin u diray dhalinyarada halis geliya garoomada Kubada Cagta

Muqdisho: Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegay in ciidanka Booliska gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Warta-Nabadda ay gacanta ku soo dhigeen toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal halis gelinayay naftooda iyo tan bulshada. Magacyada dhalinyarada la soo qabtay ayaa lagu sheegay: Khatar Ibraahim Xasan Daahir Maxamuud Xasan…

Read More

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Dhigiisa kula kulmay Qaahiro, Masar

Qaahira: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wasiir…

Read More