Wargeyska

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Magacaabay Guddi Soo Baara Xildhibaanno Loo Diiday Safaro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sooamaliya ayaa magacaabay Guddi ka soo warbixiya Safaradda loo diiday qaar ka mid ah Xildhibaannada. Guddigaan ayaa la faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu soo celiyaan warbixinta ku saabsan sababaha loogu diiday Xildhibaannada Safarada ay ku aadi lahaayeen Gobolada Dalka. Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka si…

Read More

Xarigga Internet-ka ee PEACE Cable oo ka go’ay Badda Cas iyo Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay

Hey’ada Isgaarsiinta Qaranka ayaa shaacisay in xarigga internet-ka ee Fiber-ka badda hoosteeda mara, ee isku xira Pakistan, Bariga Afrika, iyo Yurub (PEACE Cable), uu ka go’ay Badda Cas. Dhacdadan lama filaanka ah ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid xawaaraha…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheikh: Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya waxay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka nagu qabay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee dalka lagusoo maamulayay ay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka uu ku qabay dowladnimada Soomaaliya. Si shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan hogaanka ay ku kalsoonyihiin waxaa lagama maarmaan ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah ayuu yiri Madaxeyne Xassan…

Read More

Madaxweynaha Georgia oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ankara

Danjiraha Sooaaliya u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali Ospite ayaa waraaqaha aqoonsiga ee danjiranimo u gudbiyey Madaxweynaha Joorjiya (Georgia) Mudane Mikheil Kavelashvili. Danjirahaan ayaa sidoo kle Soomaaliya uga masuul ah wadamada bartamaha Aasiya iyo Gobolka Koofurta Khowkhaas,waxaana howshiisu tahay isku xirka nidaamka dibolomaasi ee ka dhaxeya dalkeenna iyo kuwa kale. Kulanka danjirah iyo madaxweynaha Joorjiya (Georgia)…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka jawaabay hanjabaadda ururka ONLF

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar ‘Cagjar’, ayaa ururka ONLF ku eedeeyay inuu doonayo inuu dhibaato galiyo shacabka deegaanka, kadib markii ururku dagaal ugu hanjabay dowladda Itoobiya. Madaxweynaha oo ka jawaabay hadalka Guddoomiyaha ONLF ee ah in Itoobiya ay ka baxday heshiisyadii xabbad-joojinta, ayaa xusay in xalinta dhibaato kasta ay keento caqabado cusub, balse…

Read More

Soomaaliya oo diyaarineysa ergay dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya Suudaan

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhowaaan la magacaabi doono ergay u howlgala sii ambaqaadidda qorshaha badbaadinta ee Dalka Suudaan. Wasiiru dowlaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahy dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan,isagoo qiray in dalkaasi uu kamid yahay dalakii u soo gurmaday Soomaslaiya….

Read More

Guddoomiyaha SoDMA oo maanta Masaajid Cali Gaduud geeyay 12 gaari oo sida shixnado gargaar ah

Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta 12 gaari oo siday shixnado gargaar macaawino ah geysay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Màxamuud Macalin Cabdulle oo gargaarkaan ku wareejiyay guddoomiyaha deegaanka Masajid Cali gaduud ayaa sheegay in shixdaan gargaarka ah ay isugu jirto raashiin, dhar iyo agabka…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo dilay in ka badan 20 oo dagaalyahanada al-Shabab ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay kooxda al-Shabab isku dayeen inay kusoo qaadaan deegaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dagaalyahan…

Read More