Wargeyska

Dowlada Federaalka ah oo ciidan geysay degaan ay dhowaan weerartay Al shabaab

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa degaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo…

Read More

Golaha Ammaanka oo walaac weyn ka muujiyay hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya uga imaanaya Yemen

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya dalka Yemen si loo soo geliyo Soomaaliya, taasoo jabinaysa cunaqabateynta hubka ee saaran Al-shabaab. Xayiraaddan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda xagjirka ah, oo ah isha ugu weyn…

Read More

Jubbaland oo baaq muhiim u dirtay DFS iyo dowlad goboleedyada

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Jubbaland , ayaa lagu bogaadiyay dedaalada ay wadaan dadka deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaa oo  dagaal kula jira kooxda Al Shabaab. Jubbaland, ayaa sheegtay in dedaaladan lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab haddii si mideysan loogu wada guntado in guulo wax ku ool ah laga gaari karo, waxaana…

Read More

Madaxweyne Qoorqoor oo dhagax dhigay dhismaha 11 Wado

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska waddooyinka hal bowlaha u ah isku socodka gaadiidka Caasimadda Dhuusmaarreeb, kuwaasi oo isugu jira Jidka weyn ee mara bartamaha magaalada iyo 10 waddo oo isku xira xaafadaha kala duwan ee caasimadda. Madaxweyanaha oo dul istaagay ahmiyadda mashruucani u leeyahay  kobcinta dhaqaalaha bilicda iyo horumarka…

Read More

Farmaajo “Dagaalka argagaxisadu malahan muxaafidnimo iyo mucaaradnimo ee waa waajib qaran iyo masuuliyad taariikhi ah”

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warsaxafadeed uu soo saaray si qota dheer uga hadlay dagaalada ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ka socda gudaha dalka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish inuusan kala laheyn muxaafidnimo iyo mucaaradnimo ee uu qof walba masuuliyad iyo waajib…

Read More

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Mareykanka lacagihii uu siin jiray Ciidanka Danab uu jartay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka hor sheegay xubnaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Dowladda ay kusoo korortay culees dhaqaale oo uga yimid in lacago balaayiin doolaar ah oo ay deeq ahaan ka heli jireen Dowladda Mareykanka gaar ahaan Hay’adda USAID ay meesha ka baxday. Wasiir Biixi ayaa sheegay in…

Read More

Shirkadaha Turkish Airlines iyo Qatar Airlines oo hakiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho

Shirkaddaha duulimaad ee Turkish Airlines iyo Qatar Airlines ayaa hakiyay duulimaadyadii sida maalin laha ahaa oo ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho kadib markii ay soo baxeen digniino dhinaca amaanka ah oo la xiriira Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade. Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii caalamiga ee…

Read More

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Koofur Galbeed oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalam Cabdi Cali oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed. Ciidanka loo soo xiray tababarka oo ka mid noqonaya daraawiishta Koonfur galbeed ayaa loo diyaariyay inay qeyb ka noqdaan sifeynta kooxda…

Read More