Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Samatar, ayaa maanta daah furtay kulan ku saabsan xaqiijinta hindisaha afraad ee Qorshaha Caalamiga ah ee Kala Duwanaanshaha Noolaha (GBF-EAS). Kulankan, waxa uu diiradda saarayaa ansixinta warbixinta mashruuca iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha muhiimka ah.
Agaasime Yuusuf ayaa ka hadlay himilooyinka Soomaaliya ee ilaalinta iyo horumarinta kala duwanaanshaha noolaha iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato taageerada caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka ilaalinta iyo horumarinta kala duwanaanshaha noolaha. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha inay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa qorshayaasha mashruuca iyo hirgelinta dadaallada muhiimka ah.