MUQDISHO – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya howlgalka AUSSOM si gaar ah qeybta Ciidamada Uganda ayaa la wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Degmada Bariire ayay sidoo kale dhawaan Ciidamada la wareegeen, kadib dagaal maalmo socday oo Al-Shabaab la galeen, kaasoo askar uga dhimatay Ciidamada dalka Uganda.
Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamada ay haatan wadaan howlgal ballaaran oo miino baaris ah, maadaama Khawaarijta ay gudaha magaalada ka qoteen godad waaweyn oo ay u adeegsadeen difaac iyo qaraxyo.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay shacabka ka hor istaagaan in ay magaalada ka baxaan, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay si taxaddar leh u fuliyeen hawlgalkooda iyaga oo ilaalinaya badqabka dadka rayidka ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka xoreynta uu sii socon doono ilaa laga saarayo dhammaan meelaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.