Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qaybgalay Shir Sare oo Lagaga Hadlay Maareynta Daymaha Dowladaha ee Midowga Afrika

Lomé, Togo – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XHGS) ayaa si rasmi ah uga qaybgalay shir heerkiisu sarreeyo oo uu Midowga Afrika ku qabtay magaalada Lomé ee dalka Togo, kaas oo diiradda lagu saarayay arrimaha la xiriira “Maareynta Daymaha Dowladaha, Dib-u-habaynta iyo Sugidda Waxtarka Daymaha”.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga, Dalxiiska, Warshadaha, iyo Macdanta ee Guddiga Midowga Afrika, ayaa waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, khubaro ku takhasustay dhaqaalaha, iyo xirfadlayaal sare oo dhanka maamulka iyo maaliyadda ah.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya waxaa shirka ku matalay mas’uul sare oo ka tirsan shaqaalaha Xafiiska, kaas oo si firfircoon uga qayb qaatay doodo aqooneed oo lagu falanqaynayay xaaladda daymaha dowladaha ee Afrika, waxaana madasha lagu wadaagay khibrado iyo waayo-aragnimo ay is-dhaafsadeen dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Ka qaybgalka XHGS ee shirkan heerka sare ah waxa uu caddeyn u yahay doorka firfircoon ee Xafiisku ku leeyahay arrimaha istiraatiijiyadeed ee la xiriira maamul wanaagga iyo hufnaanta maaliyadeed ee heer gobol iyo qaaradeed. Waxa uu sidoo kale muujinayaa sida Xafiisku uga go’an tahay in uu kor u qaado isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa iyada oo loo marayo ka qaybqaadasho firfircoon oo caalami ah.

Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo fure u noqon kara adkaynta maaraynta daymaha dowladaha Afrika, iyadoo la dejinayo hannaan dib-u-habeyn iyo kor u qaadidda waxtarka deymaha si ay u noqdaan kuwo lagu taageerayo horumarka dhaqaale ee dalalka qaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *