Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy), kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, maamulka SSC-Khaatumo iyo Gobolka Banaadir, madax ka socota xafiisyada warbaahinta ee heer federaal, wakiillo ka socda warbaahinta madaxa banaan, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Warbaahinta iyo dad caan ka ah baraha bulshada.
Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa si faahfaahsan u sharaxay ujeedka kulanka, isagoo sheegay in diiradda la saarayo sidii loo maareyn lahaa khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada, laguna dhisi lahaa hannaan siyaasadeed oo mideysan oo looga hortago halista wararka marin-habaabinta, xagjirnimada, iyo faafinta macluumaadka aan sal iyo raad lahayn.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdilaahi Xayir Ducaale, oo jeediyay kalmad soo dhaweyn ah, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad qaran oo mideysan oo si waxtar leh u hago adeegsiga baraha bulshada, isla markaana ilaalisa xorriyadda hadalka iyadoo la dhowrayo maslaxadda guud iyo amniga bulshada.
Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu baaqay ka qeybgalayaasha in ay si qoto dheer uga doodaan arrimaha miiska saaran, islamarkaana ay kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo lagu hirgelin karo siyaasad rasmi ah oo lagu wajahayo khataraha warbaahinta bulshada. Wuxuu xusay in loo baahan yahay in baraha bulshada loo adeegsado si mas’uuliyad leh oo wax ku ool ah, loogana hortago waxyeellada ka dhalan karta wararka been abuurka ah, nacaybka, iyo kicinta rabshadaha.



