Algiers, Aljeeriya – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed, ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Aljeeriya, Mudane Feyçal Ben Taleb, intii lagu guda jiray Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality) oo ka socota magaalada Algiers.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada shaqada, horumarinta siyaasadaha bulshada, iyo is-dhaafsiga waayo-aragnimada.
Wasiirradu waxay isla garteen in la dardar-geliyo wadashaqeynta labada dhinac si kor loogu qaado dadaallada lagu horumarinayo fursadaha shaqo-abuurka, gaar ahaan kuwa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa mustaqbal waara oo ku saleysan iskaashi joogto ah oo dhaxalgal ah.
Kulankan ayaa u muuqda mid horudhac u noqon kara heshiisyo la taaban karo oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isla markaana kor u qaadaya fursadaha horumarineed ee ay heli karaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.