Wasiirka ganacsiga oo la kulmay danjiraha Turkiga

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, kaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada mas’uul ay si qoto dheer uga wadahadleen fursadaha iskaashi ee dhanka ganacsiga, horumarinta warshadaha, iyo dhiirrigelinta maalgelinta, si gaar ahna ay u taabanaysay doorka ganacsatada Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay.

Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa sheegay in kulanka uu horseeday is-afgarad wax ku ool ah oo ku saabsan dardargelinta ka qeybgalka ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqyada caalamiga ah, iyadoo loo marayo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Wuxuu tilmaamay in la hiigsanayo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay iyo abuuridda fursado shaqo oo waara.

Intaa waxaa dheer, Wasiirka ayaa si gaar ah u ammaanay doorka ay Turkigu ka qaateen taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, iyo adeegyada bulshada. Wuxuu ku celiyay baahida loo qabo in xiriirka labada dal la sii xoojiyo, iyadoo la tixgelinayo is-ixtiraam, dan-wadaag dhab ah iyo horumar wadajir ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddadii ugu dambeysay ku tallaabsatay dadaallo ballaaran oo lagu dhiirrigelinayo ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo iskaashiga caalamiga ah uu saldhig u yahay kobaca dhaqaale ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *