Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho rasmi ah ku yimid Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga militari iyo taageerada Soomaaliya ay ka heli karto Shiinaha. Waxa ay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen guulaha muhiimka ah ee ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada, horumarka howlgalka AUSSOM (hawlgalka cusub ee badalaya ATMIS), iyo baahida ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed u qabaan taageero dhanka qalabka, tababarka iyo tayeynta ciidanka.

Danjire Wang Yu ayaa muujiyay sida dowladda Shiinaha uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in ay gacan ka geysato dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dheeraad ah oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu dhisayo ciidamada qaranka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *