Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccò Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka dastuurka dalka. Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo dhanka garsoorka iyo dastuurka ah.
Danjire Coppi iyo wafdigiisa ayaa dhankooda bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan tayeynta nidaamka caddaaladda iyo horumarinta dastuurka, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan hay’adaha garsoorka ee Soomaaliya.
Wasaaradda Cadaaladda ayaa ku howlan dardargelinta qorshayaasha lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda dalka, iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah iyo bahda cadaaladda si loo xaqiijiyo hannaan garsoor oo hufan, caddaalad u adeegta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyo dhameystir buuxa oo lagu sameeyo dastuurka dalka.


