Haikou – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Haikou, caasimadda gobolka Hainan ee Jamhuuriyadda Shiinaha.
Shirweynahan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo horumarinta warshadaha, iyadoo si gaar ah loo eegay fursadaha cusub ee iskaashi ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Shiinaha.
Madax sare oo ka kala socday wadamada Carabta iyo Shiinaha ayaa ka qeyb-galay shirkan, iyagoo falanqeeyay hababka lagu horumarin karo xiriirka laba-geesoodka ah iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dhaqaale oo dheeraad ah oo ay ka faa’iidaystaan labada dhinac.
Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madax ka tirsan dalalka ka qeyb-galaya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ay u furan tahay.