Taliyihii Ciidanka Difaaca Puntland oo Garowe lagu aasay

Gen Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyihii Guutada 2-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, ayaa masuuliyiinta Maamulka Puntland waxaa maanta aas qaran ugu sameyeen magaalada Garowe, kaasi oo shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa u dhintay qaraxa ka dhacay agagaarka degaanka Dhasaan ee degmada Qandala, xilli ciidamadu hawlgal ka dhan ah kooxda Daacish ka wadeen halkaas. Qaraxaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo kale oo soo gaaray ciidamo ka mid ahaa ilaalada taliyaha.

Aaska Marxuumka oo maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galaya, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor

,Xubno ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiil ciidan, culimaa’udiin, ehelka marxuumka iyo shacabka magaalada oo ka qeyb galay aaska ayaa tacsi u diray ehelka iyo guud ahaan ciidamada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in mid ka mid ah wadooyinka Magaalada Garoowe loogu magac dari doono Gen Qalyare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *